Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

FAAFAAHIN: Camaliyad Istish-haadi Ah Oo Saraakiil Ka Tirsan Murtadiinta Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho.

qaraxWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa tilmaamaya in camaliyad Istish-haadi ah magaalada Muqdisho lagula eegtay Saraakiil sarsare oo ka tirsan military-ga kooxda ridada Soomaaliya, Iyadoona lagu soo waramayo in qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu dhashay weerarkaas.

Camaliyadan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil sarsare oo ka soo baxday dhismaha wazaaradda gaashaandhigga ee kooxda ridada Soomaaliya halkaas oo ay ka socotay xaflad xil-wareejin ah oo ay xilka ku kala wareegayeen Taliyaha cusub ee ciidanka murtadiinta iyo midkii hore.

Sarkaal ka tirsan mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyey in halyeey istish-haadi ah oo hogaaminayey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu dhexda ka galay kolonyo uu la socday taliyaha cusub ee ciidanka military-ga murtadiinta.

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in camaliyadda lagu dilay saraakiil dhowr ah oo ka tirsan murtadiinta kuwaas oo la socday kolonyada la beegsaday, Iyadoo sidoo kalena lagu soo waramayo in weerarka lagu burburiyey qaar ka mid ah gaadiidkii cadowga, laguna dilay tobaneeyo ka mid ah murtadiinta oo u badnaa ilaalada taliyaha cusub.

Camaliyadan ayaa timid iyadoo dhawaan madaxa kooxda ridada Soomaaliya uu isbedal ku sameeyey taliska ciidanka murtadiinta, islamarkaana uu ku goodiyey dagaal ka dhan ah Mujaahidiinta balse camaliyadan ayaa xambaarsan fariin ah in madaxyo weynta murtadiinta aysan hurdo ku ladi doonin caasimada, dagaalkuna uusan noqon doonin mid ka fog xarumahooda iyo xafiisyadooda.

Updated: April 9, 2017 — 10:46 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme