Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Warbixin: Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Dowladaha Khaliijka Oo Cirka Isku Sii Shareeray.

Khaliijka-Xiisadda dhanka diblumaasiyadda ah ee u dhaxaysa dowladaha dawaaqiidda Khaliijka Carabta ayaa gaartay meeshii ugu xumeed kadib markii xulufada Sacuudiga iyo imaaraatka ay sare uqaadeen cunaqabateynta ay saareen dowladda Qadar.

Hoggaamiyaha wadanka Kuweyt ayaa la sheegay in uu ku guuldarraystay isku day uu ku doonayay in uu ku dhax dhaxaadiyo dowladaha khilaafku u dhaxeeyo oo dhammaantood isbahaysi la ah dowladda Kirishtanka Mareykanka ee hoggaaminaysa xamlada saliibiga ah oo lagu qaaday caalamka islaamka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladaha Sacuudiga iyo imaaraadka  carabta ay dadaal dheer ugu jiraan sidii ay usii ballaarin lahaayeen go’doominta lagusoo rogay dowladda qadar oo ku eedaysan maalgelinta waxa loogu yeero Argagaxisada.

Wasiirka  arrimaha dibadda xukuumadda Ala Sacuud Caadil Aljubeyr ayaa ayaa socdaallo ku maray dhowr wadan oo katirsan caalamka islaamka waxayna sacuudigu dadaal ugu jiraan sidii xukuumadaha dhawaaqiidda ah ee ay taageeraan ay ugu qanci lahayeen in ay xiriirka ujaraan dowladda qadar.

Wasiiru dowladaha wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Imaaraatka Carabta Ninka lagu magacaabo Anwar Qarqaash ayaa sheegay in ay adagtahay xal laga gaaro dhibaatada Khaliijka inta dowladda Qadar ay leedahay Warbaahin kicinaysa shucuubta Carabta iyo marti gelinta Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Dhinaca kale dowlada Kuweyt ayaa sheegtay in ay sii wadayso dadaaladeeda ku aaddan xallinta khilaafka ka dhashay go’doominta Qadar, Sabaax Alsabaax oo ah wasiirka arrimaha dibaddaa wadankaasi ayaa sheegay in inkastoo aan xal laga gaarin dadaalka dib uheshiisiinta hadane ay dowladdiisu sii wadayso dadaalada.

Dowladda Kirishtanka Mareykanka ayaa si laba wajiilanimo ah ula kala safar xukuumadaha carabta ee iskhilaafsan, Donald Trump ayaa dhowr mar sheegay in qadar ay taariikh soo jireen ah uleedahay maalgelinta wax uu ugu yeeray Argagaxisada oo uu ula jeedo Ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo Xamaas oo Qadar ay dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ka taageerto

Updated: June 12, 2017 — 1:26 pm
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme