Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Silsilado Weeeraro Ah Oo Xalay Ruxay Xarumaha Cadowga Ee WI Hiiraan.

alshabaabJabhada dagaalka mujaahidiinta ka howlgalla WI Hiiraan ayaa xalay weeraro safmareen ah ku qaaday dhowr fariisin oo murtadiinta Jabuutiyaanka iyo kuwa Xabashida Itoobiya ay kuleeyihiin qeybo kamid Hiiraan.

Howlgallka koowaad ciidamada mujaahidiinta ayaa weerar labo geesood ah ku qaaday bariga iyo galbeedka magaalada Baladweyn oo xarumo ay ku kala leeyihiin askarta Jabuuti iyo kuwa Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in dhawaqa rasasta siweyn looga maqlayay dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyn.

Weerarka labaad ee safmareenka ah mujaahidiinta waxa ay ku beegsadeen magaalada Buula-Barde oo duulaan ay ku heystaan murtadiinta Jabuuti ee qeybta ah isbaheysiga duulaanka kusoo qaaday kudhaqanka shareecada islaamka.

Dagaalka Buula-Barde waxa uu ahaa midka ugu waqti dheeeraa waxaana loobadinaya in qasaare lixaad leh cadowga lagu gaarsiyay.

Isla xalay mujaahidiinta waxa ay weerar lama filaan ah ku qaadeen fariisinka nasaarada Itoobiya ay kuleeyihiin deegaanka Halgan ee udhexeeya Buula-Barde iyo Baladweyn.

Weeraradii xalay waxaa la rumeysan yahay in ay kadhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan wali la helin macluumaad rasmi ah oo tilmaamaya tirada waxyeelo ee cadowga weerarada lagu gaarsiiyay.

 

Updated: June 14, 2017 — 9:41 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme