Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Mujaahidiinta Oo Weerar Inqimaasi Ah Ku Qaaday Kalaab Lagu Tunto Oo Ku Yaalla Muqdisho.

Ciidanka-MujaahidiintaHalyeeyo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa fiidkii weerar inqimaasi ku qaaday Kalaab lagu tunto oo ay ku caweeyaan Ajaanibta, Saraakiisha Murtadiinta iyo shaqaalaha kooxda ridada Soomaaliya.

Kalaabkan oo lagu magacaabo Posh ayaa ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, Waxaana dagan Haween jirkooda ka ganacsada oo ajaanib ah oo u badan Itoobiyaan iyo Kenyaati.

Weerarka ayaa ku bilowday camaliyad Istish-haadi ah oo uu fuliyey halyeey hogaaminayey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ka dibna majmuuca ka tirsan mujaahidiinta ayaa xoog ku galay dhismaha Hotelka.

Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyey in ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen dhismaha Kalaab oo ah dabaq ka kooban dhowr Biyaano.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa laayey maleeshiyaatkii Ilaalada ahaa ka hor inta aysan gudaha u galin dhismaha, Iyagoo sidoo kalena dhowrjeer iska caabiyey weerar kaga yimid maleeshiyaatka Murtadiinta oo doonayey in ay bad-baadiyaan gaalada halkaas lagu xasuuqay.

Updated: June 14, 2017 — 6:07 pm
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme