Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Jamaacada Uhiilinta Islaamka & Muslimiinta Oo Weeraro Ka Fulisay Waqooyiga Maali.

Maali-1Ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan ciidanka xukuumada dabadhilifka ah ee dalka Mali ayaa la dilay, tiro kalena waa la dhaawacay ka dib markii ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada “Uhiilinta Islaamka & Muslimiinta” ee galbeedka dalka Maali ay weerar balaaran ku qaadeen saldhig military oo ku yaalla waqooyiga dalka Mali.

Korneel Diarran Kone oo ah Afhayeenka ciidamada Xukuumada Mali ayaa xaqiijiyey weerarkan balse wuxuu tilmaamy in weerarka lagu dilay oo kaliya ugu yaraan 5 askari, laguna dhaawacay 8 kale. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in ciidamada Mujaahidiinta ay si buuxda ula wareegeen saldhigga, islamarkaana ay halkaas ku burburiyeen gaadiid iyo agab military oo xerada yaalay.

Saldhigga la weeraray ayaa ku yaalla deegaan qiyaas ahaantii 80KM u jira magaalada Qadiimiga ah ee Timbukto oo ka mid ahayd magaalooyinkii ay Mujaahidiintu ka talinayeen intii lagu gudajiray maamulkii Islaamiga ahaa ee ka jiray dalkaas bartamihii sanadkii 2012-kii.

Magaalada waxaa hadda heysta ciidamada saliibiyiin ah oo ka soo jeeda dalka Fransiiska, iyo ciidamo afrikaan calooshood u shaqeystayaal ah oo faransiiska ku taageeraya duulaanka uu kaga jiro dalkaas.

War Saxaafadeed ka soo baxay ciidanka xukuumada Mali ayaa lagu sheegay in weerarka sidoo kale lagu burburiyey ugu yaraan 9 gaari oo ay ciidanku heysteen, Islamarkaana saldhigga uu soo gaaray burbur xoogan.

Xukuumada Mali ayaa isku dayeysa in ay qariso qasaaraha dhimasho ee ciidankooda ka soo gaaray weerarka iyo gaadiidka laga ganiimeystay Laakiin saraakiil Maxali ah oo ciidanka ka tirsan ayaa sheegaya in saldhigga uu ka dhacay Xasuuq ka dib markii boqolaal ciidamo ah ay soo weerareen.

Mid ka mid ah Saraakiisha deegaanka ayaa Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay dhamaan wixii xerada ku jiray ee isugu jiray gaadiid, hub iyo zaad ay ganiimeysteen Mujaahidiinta, kana qaateen xerada, Iyagoo sidoo kalena sheegay in qaar ka mid ah askarta loo kaxeystay maxaabiis ahaan ka dib markii ay ku dhaceen gacanta Mujaahidiinta.

Qof dadka deegaanka ah ayaa sheegay in wax askar nool ah aanan loogu tagin xerada, Islamarkaana ciidanku ay isugu jiraan kaliya wax la dilay iyo kuwo gacanta Mujaahidiinta ku dhacay oo dagaalyahanadu kaxeysteen.

Updated: June 19, 2017 — 10:05 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme