Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Howlgal Burcad Sifeen Ah Ka Bilaabay Duleedka Qoryooley.

Xarakad shabaab al mujaahidinCiidamo gaarka ah oo kamid ah mujaahidiinta WI Sh.hoose ayaa weeraro burcad sifeen ah ka bilaabay deegaano kudhow dhow degmada Qoryooley ee gobolka Sh.hoose.

Kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay maleeshiyaadka kooxda ridada bilaabeen dhigashada isbaarooyin tiro badan oo shacabka musaafurka ah lagu dhibaateeyo.

Jeyshka mujaahidiinta oo ka duulaya badbaadinta shacabka iyo suulinta maleeshiyaadka burcadka ah ayaa howlgal hal askari oo maleeshiyaadka katirsanaa lagu dilay mid kalana lagu dhaawacay kasameeyay halka looyaqaano Kiliga Liibaan oo dhaca duleedka Qoryooley.

Sarkaal ciidamada mujaahidiinta kamid ah ayaa Andalus usheegay in howlgallada noocani ah ay sii socon doonaan ilaa amaanka wadooyinka ay dib usoo noqonayaan maleeshiyaadkana lagu qasbo in ay dib ugu noqdaan godadka kuffaarta afrikaanta ay kula jireen qaar kamid ah degmooyinka duulaanka lagu heysto.

Updated: June 19, 2017 — 10:11 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme