Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Dad Muslimiin Ah Oo Gaari Lagu Jiidhsiiyay Afaafka Hore Masjid Kuyaalla London.

londonUgu yaraan hal qof oo Muslim ah ayaa geeriyooday, sideed kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii Nin kaxeynayay gaari weyn oo Xamuul ah oo dul maray dad Muslimiin ah oo ku sugnaa banaanka hore ee Masjidka Venserbi ee kuyaalla Waqooyiga magaalada London ee dalka Ingiriiska habeenimadii xalay.

Booliiska magaalada London ayaa sheegay in dhacdadaas ay u xireen Nin 48 jir ah, kaas oo loo maleynayo inuu kaxeynayay gaariga lagu jiirsiiyay dadka Muslimiinta ah, waxaana Shilkani uu dhacay waxyar kadib markii dadka la jiiray ay kasoo baxeen Salaadda Taraawiixda.

Sidoo kale Booliisku waxay sheegeen in laga yaabo inay sare u kacdo tirada dadka ku dhintay shilkaasi, maadaama dhaawacyada qaarkood ay aad u liitaan, iyadoo Warar soo baxaya ay sheegayaan in dhowr qofood oo Soomaali ah ay ka mid yihiin dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.

Ninka geystay weerarka gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada London ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu yahay Nin Kirishtaan ah oo u jaran-jeera Axzaabta midigta fog ee dalka Ingiriiska, waxaana falka uu geystay uu u muuqday mid uu si gaar ah ugu beegsanayo dadka Muslimiinta ah.

Kooxaha Midigta fog ee dalka Ingiriiska ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay ku goodinayeen inay qaadayaan weerarro Aargoosi ah ka dhan ah dadka Muslimiinta, kadib markii dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dalkaasi ay ka dhacayeen weerarro ay ka dambeeyeen dhallinyaro kaligood-duulayaal Muslimiin ah, kuwaas oo howl-gallo kala duwan oo ay qaadeen seddaxdii bilood ee lasoo dhaafay ku dilay inkabadan 30 qofood, tiro intaas ka badanna ku dhaawacay.

Updated: June 19, 2017 — 10:35 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme