Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Kolonyo Ka Tirsan Ciidamada Kenya Oo Lagu Weeraray Gobalka NFD

qaraxWeerarka naga soo gaaraya gobolka gumeysiga ku hoosjira ee NFD ayaa tilmaamaya in ciidamada Mujaahidiinta ay qarax xoogan la eegteen Kolonyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Kenya xilli ay marayeen wadada isku xirta deegaanada Ceel-Raam iyo Ceelwaaq-Kenya ee taabacsan degmada Mandheera.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxa lala eegtay gaari Koyal ah oo ka mid ahaa Kolonyada, Islamarkaana uu halkaas ku burburay. Askartii saarneyd gaariga ayaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday goobta.

Saraakiisha Mujaahidiinta Idaacadda Andalus u sheegay in Kolonyada la weeraray ka soo ambabaxday saldhigga ciidamada Kenya ee Ceel-Raam, kuna sii jeedeen deegaanka Ceelwaaq-kenya.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii labaad oo todobaadkan gudahiisa ka dhaca deegaanadaasi.

Maalin ka hor ayey ahayd markii Mujaahidiintu ay weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Raam, halkaas oo cadowga lagu gaarsiiyey qasaare kala duwan.

 

Updated: July 13, 2017 — 10:42 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme