Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Askar Yahuud Ah Oo Lagu Dilay Weerar Halyeeynimo Oo Ka Dhacay Barxadda Al-Aqsa

Halyeeyada QudusBarxadda masjidka barakeysan ee Al-Aqsa wuxuu maanta martigeliyey malxamad adag oo dhexmartay Halyeeyo naftood hurayaal ah iyo Ciidamada Yahuudda taas oo galaafatey nolosha dhowr ka mid ah askarta Yahuudda, Halyeeyaduna ku gaareen wixii ay raadinayeen.

Weerarkan oo ay fuliyeen 3 dhalinyaro Filistiiniyiin ah ayaa lagu bartilmaameedsaday ciidamo Yahuud ah oo ku sugnaa Al-baabka hore ee Masjidka Al-Aqsa, waxaana la sheegay in ragga weerarka fuliyey ay wateen Bastoolado iyo hubka fud-fudud.

Military-ga Yahuudda wuxuu qirtay in halkaas looga dilay laba askari mid kalena laga dhaawacay balse waxaa suuragal ah in qasaaruhu uu intaas ka badan yahay maadama gaaladu aysan runta ka sheegin qasaaraha soo gaara sufuuftooda.

Weerarka ka dib, iska horimaad xoogan oo u dhexeeya Mudaaharaadayaal Muslimiinta ka mid ah iyo Ciidamada Yahuudda ayaa ka dhacay banaanka iyo hareeraha masjidka, waxaana halkaas ku shahiiday hal ruux oo Filistiini ah, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah halyeeyada fuliyey weerarka oo lagu magacaabo Maxamed Xaamid ayaa ka hor inta uusan howlgalka fulin wuxuu bartiisa Facebook-ga ku soo qoray hadal muujinayey in uu camaliyadan u socdo.

Wuxuu soo dhigay sawir ay wada galeen isaga iyo mid ka mid ah halyeeyada kala qeybgalay howlgalka oo dhoola-cadeynaya ka dibna wuxuu yiri: Dhoola-cadeynta Berito ayaa noqon doonta mida ugu qurxan” taas oo loo qaatay in ula jeedo marka uu gaaro Manzilada Shahaadada ee uu Allaah u qoslo.

Rasuulka Alle SCW waxaa laga wariyey in Allaah uu u qoslayo kuwa marka ay la kulmaan cadowga aanan dib u soo jeesan ilaa laga dilo, Islamarkaana ay Janada galayaan Xisaab la’aan.

Xaamid iyo labada walaal ee howlgalka la fuliyey waxay ku shahiideen barxadda hore ee Masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa ka dib markii iyagoo aanan dhufeys ahayn, sidoo kalena dib ujeesaneynin laayeen ciidamada Yahuudda.

Updated: July 14, 2017 — 5:23 pm
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme