Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Askari Ka Tirsan Murtadiinta Oo Lagu Dilay Baladweyne, Qorigana Laga Furtay.

murtadRag hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa askari ka tirsan maleeshiyaatka kooxda ridada ku khaarijiyey magaalada Baladweyne sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Mujaahidiinta.

Weerarkan ayaa ka dhacay galbeedka magaalada, Waxaana la sheegay in askariga dhowr xabadooda looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa sidoo kale noo sheegay in askari la dilay, laga qaatay qori AK47 ah oo uu watay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in askariga la dilay lagu magacaabo Saalax Xasan Maxaadeey, uuna caan ka ahaa magaalada.

Askarigan ayaa ku caanbaxay xariga iyo ugaarsashada dadka uu ka muuqdo shacaa’irta diinta, iyadoo ay intaas u sii dheereed dhaca iyo baadda uu ka qaadan jiray dadka Muslimiinta.

Ragga weerarka fuliyey ayaa si nabadgalyo ah kaga dhaqaaqay halka uu weerarku ka dhacay iyagoo aanan la kulmin wax iska caabin ah.

Magaalada baladweyne waxaa ku sugan maleeshiyaat murtadiin ah iyo ciidamo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta, balse kumanaanka askari ee cadowga ee jooga magaalada kuma guuleysan in ay hortagaan weerarada Mujaahidiinta.

Updated: July 16, 2017 — 6:05 pm
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme