Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Ciidamada Mujaahidiinta Oo Dagaal Xoogan Ku Qaaday Saldhigyada Cadowga Ee Buuloburde

25aadDagaal Xoogan oo u dhexeeya geesiyada Islaamka Iyo Murtadiinta Djibouti ayaa xalay ka dhacay degmada Buulo-burde ee Wilaayada Hiiraan ka dib Markii Mujaahidiinta Jabhadda Hiiraan ay dagaal Saf-balaaran ah ku qaadeen qaar ka mid ah Saldhigyada iyo difaacyada cadowga.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Mujaahidiinta ayaa idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in dagaalku uu bilowday fiidkii hore ee xalay ka dib Markii Mujaahidiinta ay weerar xoogan ku qaadeen difaacyada cadowga, Islamarkaana uu halkaas ka dhacay dagaal qasaare culus lagu gaarsiiyey murtadiinta.

Ilo Wareedyo ayaa sidoo kale Idaacadda Andalus u sheegay in Murtadiintu ay xireen Aagga uu xalay dagaalku ka dhacay, islamarkaana ay adag tahay in la ogaado qasaaraha dhabta ah ee soo gaaray murtadiinta Djibouti.

Ciidamada gaalada Jabuuti ee qeybta ka ah Kufaarta Afrikaanta ee ku soo duushay Soomaaliya ayaa tan iyo Markii ay soo galeen magaalada Buuloburte ku hoosjiray go’doomin iyo hareereyn ay Mujaahidintu saareen Magaaladaasi, mana jiro wax gaadiid dhulka ah oo soo gala ama ka baxa Magaalada.

Updated: July 17, 2017 — 9:14 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme