Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Diyaarado Laga Leeyahay Mareykanka Oo Shacab Ku Xasuuqay Wilaayada Jubooyinka

Diyaarad dagaalDiyaarado la rumeysan yahay in ay yihiin kuwa Mareykanka ayaa duqeymo wuxuushnimo ah ka geystay qeybo ka mid ah wilaayada Jubooyinka sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo iyo dadka deegaanka.

Dad deegaanka ah ayaa sheegay in 5 Qof Shacab ah ay ku dhinteen duqeymo bahalnimo ah oo ka dhacay deegaanka Qabri Shariif, ka dib markii diyaaraduhu ay si ba’an u duqeeyeen guryo dad shacab ah ay joogeen.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in dadka dhintay ay u badan yihiin caruur hal qoys ka soo wada jeeday.

Sidoo kale in kabadan 40 neef oo Geel iyo lo’ ah ayaa ku bakhtiyay duqeymaha ay geysanayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaano kuwaas oo la rumeysan yahay in ay leedahay dowlada saliibiyada ah ee Mareykanka.

Qof Ka Badbaaday Xasuuqa ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in gantaalladu ay ku hoobanayeen deegaanka muddo ku siman sedax saacadood oo xiriir ah.

Dadka ku dhaawacmay duqeymaha ayaa gaaraya 5 qof oo dhammaantood ah xoola dhaqato xilligii la duqeynayay ku mashquulsanaa in ay mooreeyaan xoolahooda.

Updated: July 18, 2017 — 6:58 pm
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme