Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Deg Deg:Qarax Lagu Gubay Gaari Dagaal Laguna Laayay askar Murtadiin Ah Oo Goordhaw Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Qarax ka dhacay GerileyWararka idaacadda Islaamiga Andalus ay ka heleyso deegaanka Yoontooy ee duleedka Kismaayo ayaa sheegaya in ciidanka qaraxyada mujaahidiinta ay galabta casar liiqii bur buriyeen gaari ay wateen maleeshiyaad kusii jeeday magaalada Kismaayo.

Gaari oo noociisu ahaa midka ay somalida u taqaan Cabdi Bile ayaa si rasmi ah loola haleelay qarax miino oo loogu aasay wadada dhinaceeda waxaana gebi ahaanba halkaas ku bur buray gaariga iyadoo dhimasho Iyo dhaawac ay noqdeen wixii askar ahaa ee saarnaa.

Saraakiisha Mujaahidiinta ee qaabilsan deegaanadaasi ayaa xaqiijiyay in gebi ahaanba askartii saarneyd gaariga ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen,maalmihii lasoo dhaafay Yoontooy Iyo Buulo gaduud waxay mujaahidiinta ka wadeen hawl gal ay kaga hortagayaan isku day naf la caari ah oo ay damacsanyihiin ciidamo huwan ah oo uu hoggaaminayo Mareykanka.

Updated: July 19, 2017 — 3:34 pm
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme