Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

DAAWO: Al-Kataa’ib Oo Filim Infographic Ah Ka Soo Saartay Qasaaraha Kenya Ka Soo Gaaray Duulaanka Soomaaliya Ee Galay Sanadkii 6aad.

Wariyaha Kataa'ib

Mu’asasada Al-Kataa’ib, garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa filim Infographic ah ka soo saartay qasaaraha Military, midka dhaqaale iyo midka nafeed ee Kenya ay kala kulantay Duulaankii ay ku soo qaaday Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

Filimkan oo la daawan karo muddo ka badan 35 daqiiqo ayaa ku baxaya luuqadaha English iyo Somali, Waxaana cinwaan looga dhigay “Duullaanka Kenya – Ka hor iyo Ka dib Hawlgalka ‘Badbaadi Dalka’”

Waa Filim loo diyaariyey qaab Infographic ah oo si gaar ah isdul taag ugu sameynaya cawaaqibta daahsoon ee Kenya ay ka dhaxashay duulaanka 6 sano jirsaday ee ay kaga jirto Soomaaliya, hadey tahay mid military, mid dhaqaale iyo qasaare Nafeed.

Wuxuu isbarbar ku sameynayaa Sida uu ahaa amaanka dalka Kenya shan sano ka hor inta aysan soo qaadin duulaana iyo sida uu noqday shan sano ka dib duulaankii Linda Inch ee 2011-kii.

Inkastoo Kenya ay sheegtay in duulaanka loo soo qaaday sababo ku aadan Afduubyo dalxiisayaal reergalbeed ah loogu geystay Lamu, iyo falal Amni darro oo xilligaas ay u tiirineysay Mujaahidiinta Al-Shabaab, Hadana Filimku wuxuu daaha ka rogayaa in duulaanku uu ka balaarnaa waxa ay ku andacooneysay dowlada Kenya, Islamarkaana laga lahaa ujeedooyin dhaqaale.

Wuxuu Filimku soo bandhigayaa Shax Info Graphic ah oo muujineysa sida uu xaalada Amnaan ee Kenya iyo tirada weeraradii mudadaas ka dhacay Kenya.

1aad

Wuxuu tilmaamayaa in tani ay ku tuseyso in Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xilligaas ay ahayd kooxda walaaca ugu yar uu ka heystay Kenya, Islamarkaana ay jireen koox kale oo fuliyey weeraro ka badan kuwa loo tiiriyey Xarakada Al-Shabaab.

Wariyaha Al-Kataa’ib wuxuu leeyahay: “Sida aad halkanba ka arki kartaan, xaaladu wey deganeyd shantii sano ee ka horeysay duulaanka, qof waliba oo daacad ah oo Kenyaati ahna wuu ka marqaati kaci karaa arintaas. Tirada weerarada loo tiiriyey Al-Shabaab waxay ahaayeen kaliya 17 weerar, waxayna geysteen kaliya dhimashada 16 ruux iyo dhaawaca 63 ruux. Dhamaan weerarada kale ee sababay 93 boqolkiiba dhimashada iyo 73 boqolkiiba dhaawacyada, ma ahayn weeraro ay fulisay Al-Shabaab laakiin waxaa fuliyey kooxo kale”

Ka dib Wuxuu Hadana filimku soo bandhigayaa shax kale oo ku tuseysa sida uu noqday xaalka Amaan ee Kenya shantii sano ee ka dambeysay duullaanka iyo tirada weeraradii ay fuliyeen Mujaahidiinta.

2

 

Wariyaha Al-kataa’ib ee ka soo muuqanaya filimka wuxuu leeyahay: “Shan sano ka dib duulaankana, dhamaan weerarada dhacay waxaa 61 boqolkiiba loo tiiriyey Al-Shabaab, kuwaas oo sababay 77 boqolkiiba dhimashada guud iyo 75 boqolkiiba dhaawacyada guud. Taasi waa koror ka badan toban laab oo ku yimid tirada weerarada iyo koror ka badan 4000% boqolkiiba tirada dhimashada”

Isbarbar dhig – Shan sano ka hor iyo Shan sano ka dib Duulaanka.

3aad

Marka laga yimaado Ammaanka, Wuxuu filimku hadana milicsanayaa jaanibka dhaqaalaha, Wuxuuna tilmaamayaa in ujeedka ugu weyn ee loo soo qaaday duulaanka uu ahaa mid lagu raadinayey ujeedooyin dhaqaale balse taasi badalkeed iskaba dhaaf in ay dhaqaale helaane waxaa duulaanka Soomaaliya uu dhulka la galay dhaqaalahooda.

Filimku wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa sida duulaanka Soomaaliya uu u saameeyey dalxiiska wadanka oo ahaa Isha ugu weyn ee uu ka soo xarooda dhaqaalaha ugu badan ee wadanka.

Info Graphic Muujinaya Hoos U Dhaca Ku Yimid dakhliga laga helo Dalxiiska.

4aad

Mid kale oo Muujinaya Hoos U Dhaca Ku yimid tirada dadka dalxiisayaasha ah.

5aad

Sidoo kale Filimku wuxuu milicsanayaa hay’adaha Amniga qaranka iyo Waaxda Military-ga kuwaas oo uu tilmaamayo in dowladda Kenya ay ku bixisay dhaqaale aad u xoogan si ay guullo kaga keenaan dagaalka Soomaaliya balse ay ku fashilmeen in ay ka hortagaan weerarada Mujaahidiinta ee gudaha Kenya, ama ay difaacdaan saldhigyadooda koonfurta Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya kaga jiraan ganacsi Kontorabaan ah oo ay ka wadaan Dakada magaalada Kismaayo, islamarkaana ay dhuxusha iyo sokorta isaga kala gudbiyaan Soomaaliya iyo Kenya xilli dadkooda iyo dowladooda ay ka sugeyso in ay natiijo ka keenaan dagaalka Soomaaliya.

Filimka waxaa ka soo muuqanaya falanqeeyayaal iyo mas’uuliyiin kala duwan oo xilal ka soo qabtay dowladaha soo maray Kenya kuwaas oo qiraya fashilka iyo wajigabaxa ciidankooda ku heysta Soomaaliya iyo sida uu u guuldareystay howlgalkii Lind Inchi.

7aadUgu dambeyntii filimka mu’asasada Al-Kataa’ib wuxuu dadka Kenyaatiga ah u sheegayaa in hadda dalkooda uu ku jiro marxalad kala wareeg ah, ayna ku soo wajahan yihiin doorashooyinka guud ee wadanka, ayna Mujaahidiintu Isha ku heyn doonaan talaaba waliba oo ay doortaan muwaadiniinta Kenyaatiga ah.

Wariyaha Al-kataa’ib wuxuu leeyahay: Waxaase hadda oo ay foodda idinku soo heyso doorashada guud ee wadankiinuna isweydiin mudan: ma tihiin dad caqli iyo garaad leh oo ma ka fikiri doontaan maslaxadda wadankiina, mise waxaad mari doontaan wadadii ay mareen shacabka Mareykanka oo sanadkii hore doortay hogaamiye Axmaq ah” Wuxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyey: Go’aan walba oo aad qaadataan, ogaada anaguna isha ayaan ku heyn doonaa.

Halkaan Ka Daawo Filimka Oo Somali Ah

Halkaan Ka Daawo Filimka Oo English Ah.

 Ka Daawo Facebook

Dhamaad

 

Updated: July 23, 2017 — 2:32 pm
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme