Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Mareykanka Oo Sheegay In Ay Kobacday Awoodda Al-Shabaab, Uuna Fashilmay Howlgalka AMISOM.(WARBIXIN)

Mujahidiinta Al ShabaabWarbixin sanadeed ay soo saartay wazaarada arimaha dibadda ee Mareykanka oo lagu qiimeynayey awoodda iyo weerarada xarakaatka Jihaadiga ah ee ka dagaalamaya caalamka Islaamka ayaa lagu sheegay in libaaxyada Islaamka ee ka dagaalamaya bariga Africa ay sameeyeen kobac iyo hormar sababo ku aadan dacfi iyo dib u dhacyo ku yimid howlgalada la dagaalanka argigixisada ee Mareykanka iyo midowga Africa kaga jiraan Soomaaliya. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Maleeshiyaatka ‘Dowlada FS’ aysan si madaxbanaan u qabsan Karin magaalooyin, sidoo kalena kaligood difaacan Karin meelaha loo xureeyey.

Warbixintu waxay si sarbeeb ah u sheegtay in ciidamada ‘AMISOM’ ay ku guuldareysteen dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya, Islamarkaana aysan wax guul ah ka soo hooynin dagaalka 10 sano jirsaday ee ay ka wadaan dhulka Soomaaliya. “ Inkastoo guulo military oo waaweyn ay ka soo hoyeen koonfurta Soomaaliya, Hadana ciidamada AMISOM, kuwa dowlada Soomaaliya iyo maleeshiyaatka kale ee xulifadooda ah kuma guuleysan in ay wiiqaan awoodda ay Al-Shabaab ku qorsheyso, kuna fuliso weerarada” ayey lagu yiri warbixinta ka soo baxday Wazaarada arimaha dibadda Mareykanka.

“Marka laga hadlayo bariga Africa, Kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay dalka Soomaaliya ayaanan weli ka suulin in ay halista ugu xoogan ku heyso xasiloonida gobolka, waxayna dib u qabsatay qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Xilli Ciidamada AMISOM ay xadideen weerarada ay kaga hortagayaan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya, Waxay kooxdu iyaduna  heshay fursad iyo xuriyad ay dib isugu soo uruursadaan, kuna qortaan ciidamo cusub” ayey sidoo kale tiri Warbixinta.

Warbixintu waxay sheegtay in Howlgalka ciidamada midowga Africa uu noqday mid aad u soo xadidmay oo aanan lahayn firfircoonidii hore taasina ay keentay in Mujaahidiintu ay dib u soo ceshtaan deegaano dhowr ah, sidoo kalena silsilado weeraro ah ku qaadaan saldhigyada ciidamada AMISOM.

“Al-Shabaab waxay adeegsataan magaalooyin iyo dhulal gabaad ah oo ay dib u qabsatay sanadkii 2016 si ay ugu lafaguraan taaktikooyinkooda. Kooxdu waxay sii waddaa in ay diiradda saarto beegsashada Ciidamada AMISOM iyagoo qaadaya duullaano balaaran oo ka dhanka ah saldhigyadooda safka hore. Bishii January ee 2016-ka Al-Shabaab waxay sheegatay Mas’uuliyadda weerar balaaran oo lagu qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee Ceelcadde kaas oo lagu dilay in ka badan 140 askari” ayey tiri Warbixinta.

Beegsashada xarumaha dowlada iyo Hotelada xulka ah

Mar ay soo hadalqaaday Howlgalada Mujaahidiinta ee Magaalada Muqdisho waxay warbixintu sheegtay in Mujaahidiintu ay fuliyeen weeraro Istish-haadi ah, dilal qorsheysan iyo camaliyaat waa weyn oo qalqal geliyey ammaanka caasimadda iyo xitaa doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday wadanka.

Warbixintu waxay tiri: “Al-Shabaab waxay carqaladeysay doorashooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay wadanka, Waxayna kordhisay qaraxyada loo adeegsado garaawida miineysan, iyo weerarada xoog ku galka ah ee lagu beegsanayo xarumaha dowlada iyo Hotelada xulka ah ee ay dagan yihiin Saraakiisha dowlada. Al-Shabaab waxay sidoo kale qarax loo adeegsaday gaari aad u weyn ku beegsatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kaas oo lagu dilay Saraakiil kala duwan oo ka tirsan QM, AMISOM, iyo Dowlada Soomaaliya.

Weerarkan waxay sheegeen in uu fuliyey xil-dhibaan hore oo ka tirsana golaha dhawaaqiida ee Soomaaliya, waxayna sida muuqata kala jeedaan Ash-Shahiid Saalix Nuux Ismaaciil (Saalax Bad-baado) oo gaari xamuul ah oo uu hogaaminayey ku weeraray dhisme QM iyo AMISOM ay ku leeyihiin Afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho 26-kii July ee sanadkii hore.

Warbixintan sanadlaha ah ee ka soo baxday Wazaaradaha arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaantay in sanadkii la soo dhaafay ay Mujaahidiintu fuliyeen silsilado weeraro Iqtiyaalaad ah oo lagu dilay Xildhibaano iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan kooxda ridada Soomaaliya.

Waxaa warbixinta lagu yiri: “Waxay kooxdu sidoo kale fulisay Silsilado weeraro Iqtiyaalaad ah oo lagu dilay dowr xildhibaan oo Soomaali ah, Saraakiil Amni iyo Shaqsiyaad ka tirsan dowlada Soomaaliya, Waxayna howlgaladan ka dhacayeen Muqdisho iyo meelo kala duwan oo ka tirsan wadanka sida magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Puntland”

Magaallooyinkii Horay Loo ‘Xureeyey’

Warbixintu waxay sheegtay in dib u dhaca ku yimid howlgalka kufaarta Afrikaanta uu keenay in ay Mujaahidiintu ay qalqal xoogan oo dhanka ammaanka ah geliyaan magaalooyinkii waaweyn ee horay looga saaray Mujaahidiinta. “Al-Shabaab waxay hadda halis ku tahay magaalooyinkii horay looga xureeyey, si gaar ah Bakool iyo Hiiraan iyo magaalooyin kale oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka dib markii ciidamada Itoobiya ay dib kaga gurteen meelo ka mid ah dhulalkii ay joogeen” ayaa lagu yiri warbixinta.

Inkastoo caqabadahan oo idil uu la kulmayo duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday Soomaaliya, hadana Dowladda saliibiyadda ah ee Mareykanka waxay sheegeysaa in dhankooda ay weli sii wadaan in ay taageeraan dhismaha awoodda waxa loogu yeero “Arigigixiso la dagaalanka” ee xulifadooda hadey tahay taageerada iyo talooyinka ay siiyaan Kufaarta Afrikaanta, tababarida iyo towjiihinta shaqaalaha hay’adaha Amniga.

Mar ay soo hadal qaaday Xaalka dalka Kenya, waxay warbixintu sheegtay in dowlada Kenya ay tahay saaxiibkooda ugu weyn ee Mandiqadda marka laga hadlayo la dagaalanka argigixisada balse dowladaas ay iyaduna dhibane u noqotay weerarada Mujaahidiinta tan iyo markii ay ciidamadooda duulaanka ku galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

Warbixintu waxay sheegtay in dowlada Kenya aysan ilaa hadda ku guuleysan ka hortagga ama joojinta weerarada Mujaahidiinta ee ka dhacaya gudaha Kenya ee beegsanaya Muwaadiniinta nasaarada ah ee reer Kenya.

Weerarkii Diyaaradda

Warbixintu waxay baahisay tirada weeraradii ugu waaweynaa ee Mujaahidiintu ka fuliyeen dalalka Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo uu ku jiro weerarkii lagu qaaday diyaarad Saraakiisha reergalbeedku ay la socdeen bishii February ee sanadkii hore.

Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegtay in weerarkaas uu banaanka soo dhigay awoodda Mujaahidiintu ay u leeyihiin in ay weeraro halis ah ka fuliyeen meelo ka baxsan Soomaaliya, ayna awood u yeesheen in ay Qaraxyo ku soo xiraan Laabtoobyada iyo qalabyo Electronics ah kana gudbiyaan koontaroolada iyo dhamaan qalabyada wax baara ee yaalla garoomaha diyaaradeed ee caalamiga ah.

Mareykanka wuxuu horay u sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid ka mid ah sababihii keenay in Mareykanka uu Laabtoobyada iyo Qalabyada Electronics ah ka mamnuuco duulimaayada kaga yimaada 10 ka mid ah garoomada diyaaradeed ee ugu waaweyn bariga dhexe.

Dhamaad.

Updated: July 25, 2017 — 2:48 pm
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme