Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Weerar Xalay Mujaahidiinta Ay Ku Qaadeen Deegaanka Hoosingow

alshabaabXalay saqdii dhexe ayay ciidamo ka tirsan mujaahidiinta weerar culus ku qaadeen deegaanka Hoosingoow ee ka tirsan Jubooyinka kuna dhaw xuduud beenaadyada ay wadaagaan Somaliya Iyo kenya.

Cutubyo aad u hubeysan oo ka tirsan jabhadda difaaca Jubooyinka ayaa weerartay dhufeyso dhowr ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo Kenyati ah,saraakiisha ayaa soo gudbiyay in dagaal muddo socday halkaasi uu ka dhacay.

Hubka culus Iyo kuwa fudud ayay adeegsadeen ciidankii mujaahidiinta iyadoo la rumeysanyahay inay khasaare gaarsiiyeen ciidankii Kenya ee ay ku weerareen saldhigga Hoosingow.

Updated: July 26, 2017 — 5:18 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme