Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Askari Jaasuus U Ahaa Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xalay bartamaha magaaladaasi uu ka dhacay weerar dil qorsheysan oo lagu beegsaday askari ka tirsanaa ciidanka sirdoonka maamulka Cabdi Wali Gaas.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah rag bastoolado ku hubeysan ayaa askarigaasi qeybaha sare ee jirka kala dhacay rasaas kadibna goobta ayuu ku naf baxay waxaana halkaasi ka baxsaday raggii weerarka geystay.

Falka dilka kadib ayaa waxaa soo gaaray goobta askar fara badan oo ka tirsan maamulkaasi kuwaasoo meydka jaasuuskaas ka qaaday goobta,ilo wareed lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in askarta ay tiro dad ah goobta ka qabteen kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen dilka askarigaasi.

 

Updated: August 9, 2017 — 5:06 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme