Radioandalus24

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ حَرِّضِ الْمُؤْمِنِينَ عَلَى الْقِتَالِ

Askar Kenyati Iyo Maleeshiyaad Isugu Jira Oo KU Halaagsamay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Hoosingow.

Wararka ka imaanaya deegaanka Hoosingow ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Somaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in qarax culus uu ka dhacay deegaanka Hoosingow oo ay ku suganyihiin ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad daba dhilif u ah.

Qaraxa ayay mujaahidiinta ku aaseen goob ay fariisan jireen ciidanka waxaana miinadu ay qaraxday markii ciidamo Kenyan ah Iyo maleeshiyaadka ay ku dul fariisteen miinadii loo diyaariyay.

Inta saraakiisha ay xaqiijiyeen waxaa goobta dhimasho Iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ay saameysay miinadii dhulka loogu aasay inkastoo aan la ogeyn tiro rasmi ah.

Dhaawacyada iyo meydadka ciidanka Kenya Iyo Maleeshiyaadka ayaa laga qaaday isla goobta qaraxu uu ku qabsaday,ciidanka Kenya ayaa inta badan jubooyinka waxay kula kulmaan khasaarooyin kala duwan oo u badan miinooyinka dhulka loogu aaso.

Updated: November 29, 2017 — 9:35 am
Radioandalus24 © 2016 Frontier Theme